Madaxweynaha Puntland qorshe cajiib ah u dejiyey isku daygiisa ugu dambeeya ee muddo kororsiga.  

by admin | Saturday, Dec 2, 2023 | 121 views

Madaxweynaha Puntland qorshe cajiib ah u dejiyey isku daygiisa ugu danbeeya ee muddo kororsiga.Maalmihii ugu dambeeyey  waxaa caasimadda Puntland ee Garoowe ka socdey dedaalo lagu xalinaayo ismari-waaga ka taagan doorashada Puntland ee loo madlan yahay in ay qabsoonto 8 Janaayo 2024.

Xiisadda iyo jaahwareerka waxaa kor u qaadey kadib markii 19 bishii hore ee Nofeembar Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni soo geliyey magaalada Garoowe ciidamo aad u faro badan oo wata gawaarida dagaalka iyo kuwa gargaarka degdega ah waxaana ay ka soo kicitimeen gobolka Bari, taasi waxay keentey in ciidamada Kumaandooska ee guutada Danab ay soo galaan gudaha magaalada Garoowe isla markaana fariisimo ka samaystaan galbeedka iyo koonfurta magaalada Garoowe.

Dad badan ayaa ka qaxay caasimadda mudadii u dhaxaysey 19-24 bishii hore ee Nofeembar, waxaa xirmey iskoolada waxaa cabsi weyn laga qabey in dagaal kale caasimadda ka dhaco. Waxaa soo gaarey magaalada Garoowe qaar kamid ah Isimmada beesha Dhulabahante si xaaladda loo qaboojiyo.
Isimmada SSC ee u yimid dejinta xaaladda Puntland ayaa ku guuleystey in ciidamada la kala qaado xaaladda amni caadi lagu soo celiyo dadkana laga saaro cabsida, kadib waxay bilaabeen sidii xal siyaasadeed loo heli lahaa. Isimmada SSC ayaa kulamo la qaatey dhinacyada ay khuseyso sida, Madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa, Shirguddoonka Baarlamaanka Puntland, Dallada Mucaaradka, Xisbiyada siyaasadda ee ku dhaw xukuumadda iyo bulshada rayidka ah. Waxa taas barbar socdey Culimada Puntand oo badankood isugu yimadeen Garoowe kuwaas oo uu hoggaaminaayo Sheekh Daahir Aw-Cabdi oo ka soo kicitimay gobolka Bari, waxaana ay kulamo la qaateen dhamaan dhinacyada siyaasadda isku haya.

Dhamaadkii bishii hore ee Nofeembar, Golaha Wakiilada ee Puntland waxay joojiyeen Xeerka Doorashooynka Puntland ee qof iyo cod ee Xukuumaddu u gudbisey, waxaana guddigii ka shaqeynaayey xeerkaas soo jeediyeen in xeerkan la hakiyo maadaama uu khatar ku yahay fulintiisu amniga dalka. isku dayo badan waxaa adkaatey in Xeerka mar danbe baarlamaanka lagu celiyo taas oo noqotey caqabada ugu weyn ee soo wajahdey Madaxweyne Deni oo horey u sheegay in aan cidna loo joojineyn doonitaankiisa nooca doorasho ee uu rabo.

Habeenkii Jimcadu soo galaysey ee bilashada bisha ugu danbeysey muddo xileedka hay’adaha dastuurga ah waxaa kulan saddex geesood ah madaxtooyada ku yeeshey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan iyo Afhayeenka baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kulankan ayaa ahaa kii ugu adkaa ee saddexda nin dhex mara muddooyinkan.
Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in xeerka doorashadu uu dhintey dibna aan loogu celin karin baarlamaanka doorasho aan xeer lahayna lama qaban karo, meel loo dhaafo 66 Xildibaan ee beeluhu iska soo xuli jireen aysan jirin sidaas darteed laga doonaayo in Madaxweynuhu uu dalka jiheeyo. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku raacey laakiin sheegay in laga war sugo Isimmada SSC ee hawsha gacanta ku haya. Madaxweyne Deni waxa uu ku yiri waxaad tihiin rag soo tashadey sidaas darteed waan soo tashan, waxaana sugayaa Isimmada SSC, laakiin waa in Garaad Jaamac Garaad Cali la sugo oo dhawaan ka soo degaya magaalada Garoowe.

RAJADA MADAXWEYNE DENI EE GARAAD JAAMAC GARAAD CALI.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa hadda si toos ah ula bareeraya damiciisi ahaa muddo kororsi laba sano ah. Xog ku dhaw madaxweynaha ayaa sheegaysa in rajada ugu danbeysa ee uu qabo ay tahay Garaad Jaamac Garaad Cali in uu qayb ka noqdo dedaalada Isimmada SSC ay wadaan kuwaas oo hadda soo dhameeyey wada xaajoodkii ay wadeen lagana sugaayo in ay warkooda ku dhawaaqaan.

Xogtu waxay sheegaysa in Garaad Jaamac Garaad Cali uu qabo in SSC iyo Puntland hadda la kala saaro oo laga dhigo laba maamul oo walaalo ah oo is dhinac deggan (side-by-side), taas oo macnaheedu yahay in 17 Xildhibaan ee SSC aysan qayb ka sii ahaan karin Puntland mudada kala guurka ah, sidaas darteed in maamulka hadda jira loogu daro laba sano muddo xileedka kadibna lagu qabto doorashooyinka iyada oo deegaanada SSC ka maqan yihiin markaas, si taas loo hirgeliyo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa qaba in shirweyne la isugu yimaado, waana sababta ugu weyn ee Madaxweyne Deni u doonaayo in dedaalada isimmada SSC-Khaatumo uu jiheeyo Garaad Jaamac Garaad Cali, ama arrinta loo beddelo mid heer Daarood ah oo laga qaybgeliyo isimada Sade iyo kuwo kale oo Absame.

Waxaa la is weydiin Garaad Jaamac garaad Cali sidee ayuu u dhexgalayaa arrimo ka horeeyey iyo xaajo ay galeen Isimmo ay gobol ka soo wada jeedaan oo hawshoodu dhamad tahay? Sidee ayuu wax uga beddalaya 29 Isim oo reer Puntland ah oo guddoonshey in doorashadu ku dhacdo xiligeedi taasna ay tahay xalka keliya ee lagu kala badbaadayo? Sidee ayey suurtagal ugu tahay iyada oo aan dastuurka Puntland la beddelin juqraafi ahaan iyo wax wadaag in hadda uu ku dhiirado laga saaro meesha 17 xildhibaan ee beesha Dhulbahante? sidee ayuu mucaradka ugu qancin karaa in Madaxweyne Deni loo sameeyo Muddo kororsi?

Xurmadle Garaad Jaamac Garaad Cali doorashadii ugu danbeysey ee Puntland ee uu ka qaybgalo waxay ahayd sanadkii 2008-2009. Garaadka iyo Wasiirkii Wasaaradda qorsheynta la siiyey Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye) waxay isaga tageen Garoowe waxaana uu jeediyey khudbadiisi caanka ahayd isaga oo soo xiganaya gabaygii Faarax Nuur ee “Masalaha nimaan ii dhigeyn midig ma saarayo” Dhanka kale in badan oo kamid ah Isimmada SSC waxay soo xuleen xildhibaanada 17 ka ah ee hadda fadhiya, waana maamul ay wax ka dhiseen 1998.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Siciid Deni waxa uu ku dooday in uu hadda ka haraayo doorashadii qof iyo cod taas oo ugu danbeyn Golaha wakiiladu diideen xeerkeedi, waxaana uu diidan yahay in nidaamkii lagu soo dhaqmey 19 sano ee isaga lagu soo doortey lagu noqdo kaas oo ay mar kale guddoonsheen Isimmada Puntland intooda badan. Madaxeyweyne Siciid Deni ayaa doonaya in meel dhexe la isugu yimaado taas oo lagu sheegay nooc kale oo doorasho oo isagu soo alifo taas oo ah nidaamkii doorashadii Xildhibaanada federalka ee kal sii horeysey

Like it? Share it!

Leave A Response