Soomaaliya iyo Sacuudiga oo magaalada Riyadh ku kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah

by admin | Monday, Nov 13, 2023 | 147 views
Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Riyadh ku kala saxiixday heshiis dhanka amniga ah.

Heshiiskan oo caddeynaya xoojinta xiriirka labada dal ayaa waxaa si rasmi ah u kala saxiixday wakiilo ka kala socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga.

Heshiiska ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, wax ka qabashada dhinacyada muhiimka ah sida la dagaalanka argagixisada, wadaagga sirdoonka iyo tayeynta.

Waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo qaab-dhismeedka amniga ee labada waddan, taasoo u oggolaanaysa habab badan oo wax looga qabanayo caqabadaha amniga ee gobolka.

Munaasabadda lagu saxiixay heshiiskan oo lagu qabtay magaalada Riyaad ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin sarsare oo ka kala socday labada dal oo ay kamid yihiin wasiirka Arrimaha Dibadda Abshir Cumar Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya Hines Abdulaziz bin Saud Al Saud.

Labada Wasiir ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay heshiiskan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsaday in heshiiskan uu bog cusub u furayo xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Like it? Share it!

Leave A Response