Sicir bararka ka jira Muqdisho (Warbixin)

by admin | Saturday, Oct 21, 2023 | 103 views

 

Sicirka cuntada iyo waxyaabaha aas-aasiga ah ayaa sare u kacay taasoo ciriiri gelisay nolosha dadka Muqdisho. Danyarta ayaa culeyska ugu weyn dareemaya!

Ganacsatada Muqdisho oo aan qaarkood la hadlay ayaa ii sheegay in shirkad NISA leedahay laga furay dekedda Muqdisho taasoo, iyadoo arrimo amni marmarsiiyo ka dhiganeysa, lacago dheeraad ah (oo aan ahayn canshuur) ku soo rogtay qof kasta oo alaab soo dejinaya. Ganacsatada ayaa lacagta dheeraadka iyagana dulsaaray macaamiishooda.

Tan kaliya ma aha, Al Karataay-ga NISA heysta wuxuu kaloo hadda baad ka qaadaa ganacsi kasta oo dhaqaaqa oo Muqdisho ku yaalla sida shirkadaha dhismaha, warshadaha, qalabka korontada, kuwa beeraha, shirkadaha wax dhoofiya iyo xitaa goobaha waxbarashada.

W/Q/ Abdalla Mumin .

Like it? Share it!

Leave A Response