Faahfaahin ku saabsan weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen degaanka Barujeed ee gobolka Galgaduud

by admin | Sunday, Oct 15, 2023 | 116 views

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka, ayaa lagusoo warramaya inay iska caabiyeen weeraro Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Barujeed oo ku dhow degmada Guriceel, sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Galmudug.

Guddoomiyaha degmada Guriceel ee Galmudug, Faarax Cabdi Macallin, oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in Alshabaab ay la kulmeen khasaare xooggan, isagoo sheegay inay carareen gaadiid dagaalka.

Guddoomiyaha degmada Guriceel wuxuu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ay haatan ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay. Hase ahaatee ma jirto warar ka madax bannaan oo xaqiijinaya arrintaas.

Dhinaca kale, kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay dhankooda la wareegeen saldhigga Bari-Ujeed, kaddib markii ay kusoo qaadeen weerar xooggan. Waxayna sheegeen inay ku dileen 61 askari oo katirsan ciidanka dowladda.

Degaanka la weeraray ayaa hoos yimaada degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. waxaa kuyaalay labo saldhig oo waawayn oo ay ka howlgalayeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwa Galmudug iyo kuwa deegaanka.

Weerarkaan ayaa muujinaya in Alshabaab ay weli awood ku leeyihiin gobolka Galgaduud, waxayna dhawaan dib ula wareegeen degaanadii laga saaray ee ciidanku ka baxeen.

Like it? Share it!

Leave A Response