Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda & AS oo ka socda Koofurta gobolka Mudug

by admin | Thursday, Oct 5, 2023 | 128 views

Hawlgal Qorshaysan oo ay si Wadajir ah u fulinayaan Ciidanka Xoogga dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Koofurta Mudug ayaa ka socda hawdka Shabeeloow ee Koofurta gobolkaas.

War goordhaweed ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawgalkaan uu ahaa mid ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo lagu sii sheegay in weerar jiho kasta ah lagu qaaday.

Sidoo kale warka ka soo baxay dowladda ayaa lagu sii sheegay in dagaalka u dhexeeya Ciidama dowladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ay khasaara gaarsiiyeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu yiri warka ay soo saartay dowladda.

Hawlgalkaan ayaa imaanaya xilli inta badan Gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmuudg ay deegaanada gobolkaas gacanta ku dhigeen Ciidama dowladda iyo kuwa deegaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response