Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka geystay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe

by admin | Tuesday, Oct 3, 2023 | 139 views

Faahfaahino dheerad ah ayaa ka imaanaya degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhaxe ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay leeyihiin ciidamada Kenya gantaalo ku garaaceen xarumo Al Shabaab ku leeyihiin magaaladaasi.

Sidoo kale, duqeymaha ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday xarumo Al Shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aale, waxaana la sheegay in madaafiicda qaar ku dhaceen goobo Al Shabaab shirar ku lahaayeen.

Faahfaahinada ayaa intaasi kudaraya iney jiraan khasaaro ka dhashay duqeymaha xalay lagu garaacay degmada B’aale, mana jirto ilaa hadda ilo madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ay geesteen duqeymahan.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa inta badan duqeymo ka fuliya deegaanno iyo degmooyin Al Shabaab ka joogaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo, duqeymahan ayaana mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.

Like it? Share it!

Leave A Response