Kanada oo ka billowday Olole degenaansho loogu raadinayo Soomaalida soogalootiga ah.

by admin | Monday, Sep 25, 2023 | 111 views

Dalka Kanada waxaa ka socda olole xooggan oo la xiriira sidii sharci loogu raadin lahaa Soomaalida Soogalootiga ah ee dalkaas ku nool kuwaas oo muddo raadinayay in ay helaan sharcigaas u ogolaanaya in ay sii joogaan Dalkaas.

Qaar kamid ah Dadka ololahaan wada ayaa warqado codsi ah u diray Xildhibaannada ku metala Baarlamaanka si ay uga dhigaan mooshin loo gudbin karo Laanta Xeer Dejinta si looga hortago musaafurinta lagu sameyn rabo.

Dowladda Kanada ayaa dhowr jeer sheegtay in ay dalkaas ka qaadeyso ajaanib Soomaali ay kamid tahay oo waayay warqadaha sharciga ah ee degenaansho si ay u maareeyaan duruufaha kala duwan ee noloshooda heysata.

Dadkaan ayaa siyaabo kala duwan ku galay Dalka Kanada, qaarkood waxaa loo heystaa in ay heystaan Baasabooro dalal Nabad ah, taasi waxa ay keentay in arrintaas culeys badan ku keentay si ay u helaan sharciga dalkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response