Ciidamada Dowladda Federaalka & Kuwa Deegaanka oo howlgallo kawada Gobolka Hiiraan.

by admin | Sunday, Sep 24, 2023 | 102 views

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa howlgallo xooggan oo ka dhan ah ‘AS’ kawada Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanno hoostaga Magaalada Baladweyne.

Saraakiisha howlgalkaas hoggaamineysa ayaa sheegay in ujeedka uu yahay sidii ay u gaari lahaayeen deegaannada weli ay joogaan ‘AS’ ee suuragalka ah in ay kasoo abaabulayaan qaraxyada iyo weerarrada ciidanka ka dhanka ah.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aanay howlgalkooda joojin doonin qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Baladweyne balse ay sii xoojinayaan howlgalladooda ka socda guud ahaan Gobolkaas.

Ciidamada howlgallada ayaa la kulmay qaar kamid ah dadka ku sugan deegaannada ay gaareen iyaga oo weydiiyay halka ay u baxeen ‘AS’ oo deegaannadaas isaga baxay kahor inta aanay halkaas tegin ciidanka Federaalka iyo kuwa Deegaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response