Dowladda Kenya oo Amartay in toogasho lagu dilo koox hubeysan

by admin | Saturday, Sep 23, 2023 | 152 views

Wasiirka amniga Kenya, Kithure Kindiki, ayaa soo saaray amar toogasho ah oo lagu dilayo dambiilayaasha bartilmaameedsada saraakiisha sharciga ee ku sugan waqooyi-galbeed ee dalkaasi.

Kithure Kindiki ayaa ku celiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay nidaam ku soo dabaalaan qeybo ka mid ah gobolka Rift Valley ee xuduudka la leh Koonfurta Suudaan

Amarka ayaa la bixiyay maalin kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku dileen saddex qof.

Muddo sanado ah, weerarrada burcadda iyo dhaca lo’da ayaa sabab u ahaa xasillooni darrada waqooyi-galbeed ee Kenya.

Horaantii sanadkan, ciidanka ayaa loo diray deegaanka si ay wax uga qabtaan shabakadaha dambiilayaasha ee xuduudka isaga gudba ka dib markii dhowr qof lagu dilay xoolona laga dhacay.

Like it? Share it!

Leave A Response