Dhageyso: Golaha Sama Wade Ayaa Deeq Raashiin ah Gaarsiiyay Dad abaaraha Soo barakiciyeen ee Ku sugan Duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

0
568

Golaha Sama Wade Ayaa Deeq Raashiin ah Gaarsiiyay Dad abaaraha Soo barakiciyeen oo Ku sugan Duleedka Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Ururka Golaha Sama Wade oo ah Urur dhalinyaro Wakiilana Ku leh Dalka gudahiisa iyo Dibadiisa, Kana Shaqeeya, Xoogana Saara arimaha Bulshada gaar ahana Wacyigalinta Dhalinyarada, Daryeelka Dan yarta, Nooleeynta Dhaqanka iyo wadaniyadda Jiilka Cusub.

Gudiga Arimaha Bulshada ee Golaha Ayaa Abaabulay isla markaana Agaasimay Barnaamijkaan Gurmadka Abaaraha ee Lagu Qabtay Duleedka Beledweyne ee Gobalka Hiiraan,  waxaan uu kusoo Dhamaaday si guul ah iyo Jawi dagan.

Deeqdaan oo iskugu jirtay Raashiinka Quutal-daruuriga ah sida:- Bariiska, Sonkorta, saliidda, iyo waliba Burka, Waxaa qooykiiba Loogu deeqay deeq ka koobneed Raashiin isugu jiray:-
25 KG BARIIS
12.5 KG BUR
12.5 KG SOKOR
4 LTR SALIID AH.
Oo In mudda ah qoyskiba ku filan.

Guntii & Iyo Gabagabadii Gudigii Gurmadka Abaaraaha ee Golaha waxay ummadda Wax heysta iyo Qurba joogta ugu baaqayaan in Loo gurmado Dadka Abaaraha saameeyeen ee Dalka Guud ahaan. Lana Joojiyo Dhaqaalaha micna darada ku baxa xilligaan oo kale, Sida Xafaladaha iyo Qarashka ku baxa Tamashlaha iyo shopping-nada waqtigaan xanuunka iyo abaaraha ku badanyihiiin dalkeena iyo Dadkeena Soomaliyeed.

©Max’ed Max’ud Xeebow
Xoghayaha Golaha ahna
Madaxa Gudiga A/Bulshada.
Johansberg/South Africa
Email:golahasamawade@gmail.com

Hoos ka dhageyso warbixin uu diyaari bashiir  cabdulahi cismaan

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE