MD Xasan markuu xafiiska joogo xatooyada baahsan maxaa loo arkaa ? !!

by admin | Wednesday, Sep 20, 2023 | 135 views

Wakaalada Wararka Reuters ayaa saacado kahor daabacday warbixin dheer oo ay ciwaan uga dhigeen: MIDOWGA YURUB Ayaa Xayiray Deeq Uu Siin Jiray Hey’ada Cuntada Adduunka WFP Somalia, Sababo La Xariira Xatooyo Xad-dhaafa.

Ururka Midowga Yurub wuxuu sannadkaan Qasnada Hey’ada WFP ku shubay $7 Million Dollar oo loogu talo-galay in deg-deg loogu caawiyo masaakiinti ay abaaruhu ku dhufteen. Dhanka kale Hey’ada Qaramada Midoobe ayaa sannadkaan kordhisay Sanduuqa Taakuleeya Kaabe-yaasha Hey’adaha Dowlada Somalia & gargaarka tooska ah waxay gaarsiisay 1 Billion Dollar.

Balse xisaab-xir iyo natiijada baaritaano(o) heer-caalami ah oo ay UN & EU sameeyeen Xukuumada Xassan waxaa lagu helay xatooyo baahsan iyo inay si khaldan u isticmaaleen xafiisyada lacagaha laga maamulo oo marki horeba shaqsiyaad xigto ah loogu magacaabay sifo aan shaci ahayn.

Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in hakad ay galiyeen gargaarka maadaama inta uusan masaakiinta loogu talo-gelin gaaraayo ama addeegyada bulshada loo asteeyay loogu qabanin. Wuxuu sheegay inaysan u eber-dulqaad ka yihiin, isdaba-mariyeyn, musuq & kutagrifal mucaawino.

https://www.reuters.com/world/eu-temporarily-holds-back-food-aid-somalia-after-un-records-widespread-theft-2023-09-18/?fbclid=IwAR1CRjb0LwcRNX0gHx1pGAuQLz0bTcMhtXJcpGgUyC8bD0SnvjDCq6KQ8j0

Warbaahinnada qaar sida Jariidada New York Times saakay waxay  qortay taakuleynya Qaramada Midoobe ugu talo-gashay kaabe-yaasha inay khalad u isticmaalaan shaqsiyaad siyaasada ku jira.

Kaamka Muuri oo Muqdisho kuyaala masaakiinta joogta waxay kasoo xigteen $130 qofkiba loogu talo-galay in mobileka loogu shubo in koox abaabulan oo siyaasiyiin ay SIM CARD u sameysteen iyaga iyo eheladooda oo nolol fiican heysta masaakiintuna aysan mucaawinnada gaarin.

Madaxweyne Xassan Sh. Maxmuud ayaa dhowr mar masaajidka ka sheegay in dowladiisa ay dagaal adag kula jirto Musuqmaasuqa.

Xassan markuu xafiiska yimaado xatooyo baahsan maxaa loo arkaa?

Like it? Share it!

Leave A Response