Maxaa kasoo baxay wadahadalka Mareykanka & Shiinaha ku dhexmaray Malta?

by admin | Monday, Sep 18, 2023 | 98 views

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa faah-faahin ka bixiyay micnaha uu xambaarsanaa wadahadalka dhexmaray La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Joe Bidan iyo Diblumaasiyiinta ka socotay Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee ka dhacay Malta.

Jake Sullivan & Wang Yi ayaa wadahadlkooda diiradda ku saaray saddex qodob sida uu sheegay afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo kuwaas oo muhiimad gaar ah u leh labada Dal sida hadalka loo dhigay.

Qodobka 1aad waa in dhinaca Amniga oo taabanaya labada dal kana shaqeeyaan xasilooni waarta oo kahortagi karta dhibaatooyin ka dhashay xifaaltanka dhinacyada Ganacsiga, Militariga iyo qaybaha kala ka kooban.

Qodobka 2aad waa dagaalka Dalka Ruushka uu ku qaaday Ukraine maadaama Washington ay dhowr jeer dhiggeeda Beijing uga digtay in ay ku lug yeelato dagaalka u dhaxeeya Kyiv & Moscow oo tacadiyo badan laga diiwaangeliyay.

Qodobadka 3aad oo ah mid si gaar ah u taabanaya xiriirka & diblumaasiyadda labada Dal ayaa si gaar ah u quseeya arrinta Taiwan oo Mareykanka dhowr jeer hore qaaday tallaabooyin caro geliyay dhiggiisa Shiinaha.

Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha iyo Mareykanka waxa ay labaduba xubno joogta ah ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Washington ayaa dhiggeeda Beijing gelisay diiwaanka dalalka la safan Ruushka.

Like it? Share it!

Leave A Response