Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Saraakiil loo xirxiray goobahii ay kasoo baxeen ciidanka dowladda

by admin | Wednesday, Sep 6, 2023 | 78 views

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in la xirxiray qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ku eedeysan iney ka dambeeyeen in ciidamada dowladda isaga soo baxaan furimaha hore ee dagaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkaan ka sheegay Shalay mar uu khudbad u jeedinaayay  ciidamada loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ku jira xero ku taala degmada Maxaas, isagoo ku amaanay ciidanka guulaha ay ka gareen howlgaladii ugu dambeeyay.

“Layskuma darsano, dadka goobaha cadawga aan soo bannaynin la mid ma noqon doono, kan iyadoo oo cadawga la hortaagan yahay soo baxay ee qorigiisa garabka saartay ee Xamar tagay ama qoriga dhexda ku gatay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale xusay madaxweynaha in saraakiisha ku eedeysan iney ciidanka kasoo saareen furimaha dagaalka laga qaadi doono talaabo sharci ah, walow uusan sheegin madaxweynaha tirada saraakiisha la xirxiray.

“Maanta aan idinla hadlayo iyo shalay saraakiil ayaa la xirxirey, sharciga ayaana la horgeyn doonaa dambi ay geysteen ayaa loo xirey, maxkamada milatariga waxay ka qabtaana la horgeyn doonaa kii aan dambi lahayn waa la soo deyn doonaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka ayaa sidoo kale sheegay in tirada ciidanka ee dagaalada ku dhinta iney ka badan yihiin kuwa guryahooda cudurada ugu dhinta, islamarkaana loo baahan yahay in ciidanka arimhaasi aysan cabsi galin.

“Inta dagaalka nooga dhimato waxaa ka badan inta cuduro ay ugu dhintaan guryahooda marka sax ma aha in cabsi ay gasho qofka bani’aadanka ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ahaatee hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay mudooyinkii dambe si aad ah u hadal hayeen weerarkii askarta badan looga dilay ciidanka dowladda ee ka dhacay Cowsweyne iyo waliba sababahii ciidanka u soo baneeyeen deegaano badan oo ka tirsan Galgaduud oo qaarkood Al-shabaab dib ula wareegtay.

Like it? Share it!

Leave A Response