Maxaa ka jira in Shaqaalaha Doorashada Maraykanka loogu hanjabayo in la dilayo?

by admin | Sunday, Sep 3, 2023 | 101 views

In ka badan toban qof ayaa guud ahaan dalka Maraykanka waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira, inay u hanjabeen qaar ka mida shaqaalaha doorashada. Shaqaalaha dawladda ayaa inta badan xilliyada doorashooyinka waxay la kulmaan hanjabaado kala duwan. Xoghayayaasha gobollada iyo khubarada kale ayaa iyagu arrintan ka digaya.

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump iyo qaar ka mida taageerayaashiisa ayaa marar kala duwan ku soo celceliya, sheegashooyin been abuur ah oo tilmaamaya, in la xaday doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, iyaga oo bulshada ku dhex qaybiya aragtiyo been abuura oo ka dhan ah, shaqaalaha doorashooyinka.

Khubarada kala duwan ayaa cabsi weyn ka qabta, in doorashada sannadka 2024 ay ka sii xumaan doonto, tii hore, iyaga oo ugu baaqaya dawladda federaalka ah, inay la timaaddo, tallaabooyin dheeri ah oo lagu ilaalinayo shaqaalaha doorashada.

Waaxda cadaaladda ee Maraykanka ayaa sannadkii 2021 waxay abuurtay xafiis si gaara ula socota hanjabaadaha ka dhanka ah shaqaalaha doorashooyinka, kuwaas oo baadhis ku sameeya dembiyada la xidhiidha arrimaha doorashooyinka.

Xafiiskan ayaa baadhis ku sameeyey in ka badan 2,000 oo warbixinood oo la xiriira, hanjabaado iyo cagajuglayn ka dhan ah shaqaalaha doorashada.

Like it? Share it!

Leave A Response