MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ku wajahan Gobolka Hiiraan si uu u dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

by admin | Sunday, Sep 3, 2023 | 112 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaa halkaas ka socda qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo wafdigiisa.

Wasiiro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka & Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa saacidihii u dambeeyay gaaray Magaalada Maxaas ee dhacda Bariga Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor  hore sii shaaciyay in safarkiisa Gobolka Hiiraan uu daaran yahay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ si loosoo gabagabeeyo wajiga 1aad ee howlgalladaas waa sida uu hadalka u dhigay.

Diyaargarow xooggan oo lagu soo dhaweynayo wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ka socda Magaalada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaa la filayaa Madaxweyne Xasan in uu safar ku tago deegaanno kale oo katirsan Gobolkaas.

Ammaanka degmada Maxaas ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waddooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa lagu xiray gaadiid dagaal, waxaana magaalada ka howlgalaya oo ammaanka sugaya ciidamo cusub oo koofiya gaduud u badan.

Degmada Maxaas waxaa sidoo kale ka socda abaabulka soo dhaweynta madaxweynaha iyo wafdiga la socda, waxaana halkaasi lagu diyaariyay sawirada madaxweynaha iyo caleemo qoyan oo wafdiga lagu soo dhaweenayo.

Waxaa shalay degmada Maxaas gaaray wafdi uu hoggaaminayay wasiirka batroolka Soomaaliya , waxaana wafdiga kamid ahaa guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeytre Cismaan oo muddooyinkii dambe dowladda khilaaf kala dhaxeeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response