Dhageyso:-Cali Guudlaawe oo tagay furumaha hore ee Dagaalka kana bilaabay abaabul Dagaal

by admin | Wednesday, Aug 30, 2023 | 162 views

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kormeer booqasha ah ku tagay furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan xadka ay wadaagaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Cali Guudlaawe ayaa furumaha uu tagay kula kulmay saraakiisha ciidanka xoogga dalka hoggaamineysa, waxa uuna kala hadlay sida ay diyaarka ugu yihiin dagaalka ka dhanka ah As, isagoona ku dhiirigaliyay in ay qeyb ka noqdaan ciribtirka Kooxda As.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ahaa mid uu ugu kuurgalayo xaaladaha Ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ayaa ku boggaadiyay guulaha lama ilaawaanka ah ee ay soo hoyeen, isagoo xusay in As laga sifeyn doono guud ahaan dalka.

Guudlaawe ayaa si kmg ah u saldhigtay deegaannada Cad-cadeey iyo Cadaanlaxeey si uu uga hogaamiyo duulaaanka lagu ciribtirayo As,waxa uuna ciidamada faray inay gutaan waajibkaadka saaran ayna gaba-gabeeyaan cadowga umadda Soomaaliyeed.

Socdaalka uu madaxweyne Cali ku tagay farumaha hore ee dagaalka gaar ahaan xadka Sh/Dhaxe iyo Galgaduud, ayaa imaanaya xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kasoo baxeen deegaanno iyo degmooyin katirsan Galgaduud ay horey uga saareen As.

 

Like it? Share it!

Leave A Response