Puntland: Xasan Sheikh Maxamuud iyo saaxiibadii ayaa boobay dhulkii danta guud ee Xamar kuyaalay

by admin | Thursday, Aug 24, 2023 | 113 views

Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadal shalay kasoo yeeray hanti dhowrka Dowladda Soomaaliya, kaasoo ku eedeeyay Puntland inay xaraashtay xeryihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, loona adeegsaday in lagu daro dhismaha dekedda Garacad.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay, Puntland inay xaq uleedahay inay kabto maalgashiga dadkeeda ku dhisteen dekedda magaalada Garacad.

Wasiirka ayaa hadalka hanti dhowraha ku tilmaamay xasarad ay ka dambeysay Dowladda federalka. Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in la isweydiiyo halka ay ku dambeeyeen dhulkii warshadaha ahaa ee Xamar kuyaallay

“Waxaa isweydiin leh, dhulkii Dowladda Soomaaliyeed ay lahayd oo magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ku yaalay, oo dhulkii warshadaha ahaa, oo dhulkii wasaaradaha ahaa, Xasan Sheikh iyo saaxiibadii ayaa teeramkii hore uu joogay boobay, haddana boobka ku wada,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Puntland.

Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya in looga baahan yahay inuu isagu soo celiyo sida uu sheegay, hantidii Xamar lagu boobay.

Wasiirka warfaafintu wuxuu sheegay dekeda magaalada Garacad inay tahay mashruuc ay ummadda Soomaaliyeed maalgashatay, isagoo sheegay in la ogyahay wixii galay inay yihiin wax cad oo muuqda meeshii lagu bixiyay.

Like it? Share it!

Leave A Response