Jabuuti, Itoobiya & Kenya ma u diyaarsan yihiin ka qaybgalka wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’?

by admin | Sunday, Aug 20, 2023 | 118 views

Madaxweyneyaasha Soomaaliya, Jabuuti iyo Kenya oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa 1dii Febaraayo 2023 Magaalada Muqdisho ku gaaray heshiis afar geesood ah oo ay isaga kaashanayaan la dagaalanka ‘AS’ & in ay iska caawiyaan dalalkaan howlgalka wajigiisa labaad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qorshaha abaabulka dagaalkaan leh ayaa sheegtay in diyaargarow xooggan ay ku howlan yihiin Dowladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya lana filayo in dhowaan uu billowdo howlgalkaas.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in Dowladaha deriska ah ay ku howlan yihiin diyaargarow xooggan.

Dhammeystirka wajiga 1aad ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ayuu Wasiir Al-Cadaala sheegay in ay wadaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah si ciidamadu ay u xaqiijiyaan in ay guud ahaan Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle laga saaray ‘AS’ waa sida uu hadalka u dhigay.

“Qorshaha Dowladda Soomaaliyeed ayaa hoggamineysa oo ku casuumtay Dowladaha gobolka in ay ka qaybqaataan maadaama nimankaan keliya cadow ku ahayn Soomaaliya, si guud ahaan la isaga kaashado, waxaa si wanaagsan u socda diyaargarowga oo meel wanaagsan maraya oo Guddiyadii loo xilsaaray howshaan ayaa diyaarinta gacanta ku haya” Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Cabdiraxmaan Al-Cadaala.

Howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah ‘AS’ oo ay iska kaashanayaan Dowladaha Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya waxaa si gaar ah uga shiraya Madaxda ugu sarreysa dalalkaas, Wasiirrada Gaaashaandhigga & Taliyeyaasha Ciidamada Militariga ah.

Like it? Share it!

Leave A Response