Xildhibaan musuq maasuq ku yimid maxaa laga fili karaa ?{warbixin}

0
176

Kadib muddo afar sano oo uu xukunka soo hayey Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday ee Mudane Xassan Shiikh Maxamuud ayey shacabka Soomaaliyeed markale isweydiinayaan in Xasan iyo kooxdiisa Damuljadiid ay markale kusoo noqon doonaan xukunka dalka.

Arinkaa waxaa sal u ah inay lacagta Badan haystaan kooxdani oo horjoogaha u yahay Madaxweyne Xasan sheikh, waxayna aamin san yihiin siyaasad ahaan in Dawladnimada lacag lagu Gadan karo.

Waxaa Tusale kugu Filan intay xilka hayeen waxay kooxdani badaleen laba xukumadood iyo Golaheedii wasiiro waxay magacaabeen Taliyaal ciidan oo aan ku iman awood Qaybsiga 4.5 Danjirayaal iyo madax maamul Gobaleed

Dad badan ayaa aaminsan hadii dib loo doorto Madaxweyne Xasan Sheekh in meel fog laga raadinayo midnimadda iyo Qaranimada Soomaaliya .

Waxaana dalku khatar ugu jiraa in uu dib ugu noqdo waayihii xumaa ee soo maray, Siyaasadii ku kooxaysiga iyo qabyaalada ku dhisaneyd.

Qaladaadkii musuq-maasuqa ee ka dhacay Goobaha Doorasho ee Muqdisho, Jowhar, Kismaayo Baydhabo, Garoowe iyo Cadaado oo ahaa xarumihii doorashada wax ka hadlaya ma jiro arinkaa, waxana laga baqayaa in mid la mid ah ay ka dhacdo Doorashada madaxweynaha oo cabsi laga qabo in hal jeer 200 oo xildhibaan Doortaan Madaxweyne Xasan Sheekh si ku dhisan musuq maasuq .

 

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE