Faahfaahin ku saabsan iska hor imaad Garowe ku dhexmaray ciidanka amniga iyo koox dabley ah

by admin | Sunday, Aug 20, 2023 | 127 views

Hal askari oo katirsan ciidanka Booliiska Puntland ayaa ku dhaawacmay, kaddib iska hor imaad xalay dhexmaray koox dabley ah oo cabtooy ah iyo ciidamada saldhig kuyaala magaalada Garowe.

Iska hor imaadka oo socday in ka badan hal saac ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan oo ay ku jireen qoryaha dhashiikaha, taasoo qalqal weyn galisay xasiloonida Garowe.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska gobolka Nugaal, Maxamuud Bile Fardafuul ayaa ku eedeeyay ciidamo ka amarqaata taliyihii hore ee ciidanka kumaandooska Danab, Kornay Jimcaale Takar in ay ka dambeeyeen falkaan.

Taliyuhu wuxuu sheegay, iska hor imaadka inuu dhacay ka gadaal markii dabley katirsan ciidanka Jimcaale ay saldhigga keeneen qof shacab ah oo jirdil u geysteen oo ay sheegeen in gaari uu watay uu ku dhuftay gaari iyaga ay wateen.

Taliyuhu wuxuu sheegay, muran ka dhashay qofka shacabka ah uu sababay in dableyda ay xabbad ku bilaabaan ciidanka saldhigga ka howlgalayay.

Si kastaba ha ahaatee, taliye ku xigeenka booliiska gobolka Nugaal wuxuu sheegay in gacanta lagusoo dhigidoono dableyda falkaan ka dambeysay.

magaalada Garowe ayaa dhibbane u noqotay cabtooy hubaysan, kuwaas habeenkii magaalada ka geysta falal amni darro oo isugu jira dil iyo dhac.

Like it? Share it!

Leave A Response