Shan “5” Arimood ayaa Keena Baruurta Caloosha Iyo Calool weynaadka ‘Cayilka Caloosha Ragga’ Iyo Sida Loo Xaliyo..

0
347

Marka hore waxaan ka hadlaynaa caloosha waxa weyneeya kaddib ayaan ka hadlaynaa waxa lagu yareeyo.

Caloosha waxaa sababa dhowr waxyaalood waxaan xusaynaa inta ugu muhimsan.

1-Murqaha Caloosha mar hadey daciifaan waxaa soo deg dego iney caloosha ku bataan baruurta sidaa awgeed ku dadaal jimicsiga caloosha

2- Dhaqdhaqaaqa oo yaraada sida ruuxa inuu badsado hurdada iyo fadhiga iwm.

3- Inuu ruuxa liqo hawada marka uu cunayo cunto ama wax cabbayo taas waxay keenaysaa in hawada ay mindhicirada gasho

4- Cashada kaddib inuu ruuxa seexdo isagoon waqti u dhexaysiinin hurdada iyo waqtiga

5- Sigaarka iyo shiishada taas waxay keenaysaa in hawo caloosha gasho,

sido kaleCuntada sokorta leh ama dufinta in la badsado

 

Maxaa caloosha lagu yareeyaa

Marka hore iska ilaali sabahan aan soo sheegnay teeda kale waxaad isku daaweyn kartaa shaah cagaar + sanjabiil cagaar + qasharka rummaanka oo qallalan + geedka (Mint) ama ( peppermint) lagu dhaho (nacnac) habeenkii intaadan seexan ayaad isticmaalaysaa.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE