Sucuudiga ayaa qaadanaya 10,000 shaqaale Soomaali ah.

0
226

Heshiis u dhaxeeyay Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo ahaa in Dowladda Sucuudiga qaadato 10,000 shaqaale Soomaali ah ayaa wajigiisa 1aad dhamaaday,waxaana la filayaa in Labada Dowladood ay ka wada hadlaan dhameytirka heshiiskaan.
Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu si deg deg ah booqasho ku tago Sucuudiga si u u dhameystiro heshiiska ay galayaan wasaaradaha shaqada iyo shaqaalaha ee labada dal,sida ay qortay Al Iqtisaadiya,Axaddii shalay.
Wadaxaajoodka labada wasaaradood ayaa socday dhowr bilood waxaana la filayaa in uu dhamaado dhawaan,kaas oo lagu xaqiijinayo xuquuqda shaqaalaha Soomaalida ah ee ay qaadaneyso Dowladda Sucuudiga.
Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga ayaa heshay codsiyada Dowladda Sucuudiga ay ku dalbaneyso shaqaale Soomaali ah oo ka shaqeeya wakaaldaha kala duwan ee dowladda Sucuudiga,waxaana heshiiskaas kaliya quseyn doonaan Hay’adaha Dowladda iyo sharikadaha ay maamusho.
Soomaali badan ayaa ka xamaasha sucuudiga kuwaas o aan sharci ku lahayn,waxaana ay mararka qaar la kulmaan gabood fallo ka dhan ah Aadanaha.
October 2015kii Wasaaradda shaqaalaha Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in ay albaabada u fureyso  shaqaalaha Soomaalida ah kadib markii ay bilo ka hor Dadka Jabuutiyaanka ah u ogolaatay in ay ka shaqeystaan Sucuudiga.
Bishii April ee Sanadkii la soo dhaafay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Cismaan Libaax Ibraahim,ayaa sheegay in wajiga 1aad lagu shaqaaleysiin doono 2,000 oo Qof oo badan kood qaban doona shaqooyinka gudaha sida Jaariyadnimo iyo wadayaasha Gaadiidka.
Dad badan oo Soomaali ah ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqaya in ay qaadato Mas’uuliyadda dadkaas loo dirayo Sucuudiga,kana digtoonaato gabood fallo ka dhan ah aadanaha oo loo geysan karo.
Shuruudaha Dowladda Sucuudiga ay Shaqaalaha Soomaalida ka rabto waxaa ka mid ah shahaadooyinka muujinaya in aysan dambi gelin,in aysan lahayn dhaawacyo,jirkooda ah oo naafo gaarsiisan iyo in aysan qabin Cudurro.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE