Ukraine oo sheegtay in ay weerartay Markab Shidaal u waday Ruushka.

by admin | Saturday, Aug 5, 2023 | 133 views

Dowladda Ukraine ayaa sheegatay in ay beegsatay Markab shidaal waday oo Ruushka leeyahay kaas oo mararayay Marinka Kerch ee u dhaxeysa Ruushka iyo Jasiiradda Crimea ee muranka uu ka jiro sida hadalka loo dhigay.

Ukraine oo faah-faahin ka bixisay weerarkaan ayaa sheegtay in ay u adeegsatay diyaaradaha duulliye la’aanta ee Drones-ka loo yaqaan isla markaana ay naafeysay markabkaan shidaalka waday oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Xukuumadda Kyiv ayaa dhiggeeda Moscow ku eedeysay in ay ka baxday heshiiska nabadgalyada ay badda madow ku marayaan maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa rayidka balse Ukraine ayaa shaacisay in ay jawaab ku filan Ruushka siisay.

Warbaahinta qaar oo soo xiganeysa saraakiil si dhow ula socotay howshaan ayaa sheegtay in Markabkaan shidaalka qaada waxyeello daran kasoo gaartay dhinaca Matoorka balse ma daadan shidaalkii uu waday.

Waxaa la sugayaa jawaabta Ruushka uu ka bixin doonno weerarkaan maadaama dhowr jeer oo horay mar sidaan oo kale Ukraine ay weerar ku beegsatay jawaab xooggan ay ka bixisay Xukuumadda Moscow.

Colaadda Ruushka & Ukraine ayaa sii xooggeystay Febaraayo 2022 kaddib markii dabayaaqadkii bishaas weerar toos ah Xukuumadda Moscow ay ku qaadday dhiggeeda Kyiv, dagaalkaas waxaa ka dhashay dhimasho, dhaawac, khasaara hanti iyo sicir barar dunida inteeda kale saameeyay.

Like it? Share it!

Leave A Response