Ciidanka Booliska Soomaliyeed ayaa 72 sano jirsadey iyo Hanbalyo loo direy…

0
153

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta hambalyo ku aadan xuska 73 guurada ka soo wareegtay markii la aas aasay ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka bisha December oo ah maalinta berrito u diray dhamaan Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Dambleyda iyo dhamaan Ciidanka Booliska iyo xaasaskooda in Sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.
Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa xusay in ciidanka boolisku ay yihiin saaxiibka koowaad ee shacabka, isla markaana ay har iyo habeenba u taaganyihiin in ay ka difaacaan caddowgooda.
Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay inay sii labo jibaaraan howsha adag ee loo idmaday, isagoo shacabka ka codsaday in ciidanka ay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka loo xilsaaray.
20-kii December sanadkii 1943 ayay ahayd markii la unkay ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana ay maalinta berito ah ku beegantahay 20 december oo ah 73 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE