Garsoore Mareykanka ah oo Sharci darro ku tilmaamay go’aanka Madaxweyne Biden uu ku xakameynayo Soogalootiga.

by admin | Wednesday, Jul 26, 2023 | 212 views

Dood weyn ayaa hareysay go’aanka Madaxweynaha Mareykanka ee 46aad Joe Biden ku gaaray in Dadka Magangalyo doonka ah ee Tahriibka ku gala dalkaas ay soo codsadaan kahor inta aysan u tallaabin xuduudda iyaga oo ku sugan waddankooda ama Dalka Xadka la wadaago ee Maksiko.

Jon Tiger oo ah Garsoore heer Federaal ah ayaa arrintaas kahor yimid isaga oo sheegay in ay nasiib darro tahay in qof kasoo cararaya dhibaatooyin ka jira Dalkiisa lagu qasbo in uu codsado ama uu waddan deris la ah Mareykanka uu kasoo codsado in uu fasax helo.

Waxa uu go’aankaas ku sifeeyay mid aan ka fiirso loo dhihin oo keliya laga eegay dhinaca xakameynta qulqulka tahriibayaasha ku dhiiranaya in ay kasoo boodaan gidaarka xeendaabka xuduudda ah iyaga oo raadinaya nolosha ay ka rajeynayaan Mareykanka.

Xuduudda Koofureed ee Dalka Maksiko uu la wadaago Mareykanka waa marinka ugu badan oo ay ka gudbaan Tahriibayaasha isaga kala gudba waddamada badan ee Koofurta Ameerika iyo dhinaca waqooyiga oo ugu dambeyn dalkaas tagaan.

Tallaabadaan ayaa dhabarka ka jebineysa go’aanka Madaxweyne Joe Biden ee lagu xakameynayo soogalootiga isaga oo sheegay in uu waddamo katirsan kuwa Koofurta Ameerika ka sameynayo xeryo lagu hayo Dadkaas si tartiib-tartiib ah looga soo qaado.

Tahriibayaal badan oo Soomaali ay qayb ka tahay ayaa safar dheer u galay sidii ay u geli lahaayeen Dalka Mareykanka, qaarkood waa ku guuleysteen hamigoodii ahaa in ay gudaha u dhaadhacaan halka qaar kale weli ay ku xayiran yihiin Xuduudda & Dalalka la isaga kala gudbo.

Like it? Share it!

Leave A Response