howlgalka AMISOM ayaa isku badalay daadinta Dhiiga Shacabka iyo 20 Ruux oo….{AKHRISO}

0
185

Ciidamada AMISOM oo Nabad Ilaalada u jooga Dalka Soomaaliya ayaa tacadiyo kala duwan waxey ka geysteen Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya, afartii billood ee ugu dambeysay.

Labo billood ka hor, Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa Haweeney iyo 3 Caruur ah oo ay dhashey waxey Gaari ku jiirsiiyeen Duleedka Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan ayaa halkaasi ku toogtay labo Ruux oo Shacab ahaa sida la sheegay kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay wateen Ciidamada Itoobiya.

Bishii la soo dhaafay, Kolonyo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM waxey Gaari ku jiireen Wiil yar oo ka mid ahaa Dhalinyarada ka shaqeysata beerta Khaadka ee Degmada Hodan.

Sidoo kale, Kolonyo ay wateen Ciidamada ayaa maalmo hor waxey Haweeny da’eheyd ku jireen inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgooyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Nabad Ilaalada ee AMISOM ayaa lagu eedeeyay in hoobiye ay ku dhufteen Gaari khudaar siday oo marayay Duleedka Degmada Qoryooleey, halkaasina ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 6 Ruu oo Shacab ahaa.

Shalay Ciidamada waxaa sidoo kale Degaanka Ceelwareegoow ee Gobolka Sh.Hoose ay ku Dileen ugu yaraan 6 Ruux oo kale ahaa Haweeney iyo 5 Caruura ah oo ay dhashay kadib markii Qarax miino halkaasi lagula eegtay Ciidamadan.

Ilaa iyo hada majirto wax laga weydiiyay Ciidamada AMISOM tacadiga kala duwan ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE