Ciidanka dowladda Fedaraalka oo dib ula wareegay deegaanka Goofgaduud buureey

by admin | Wednesday, Jul 26, 2023 | 210 views

Ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa dib u qabsaday deegaanka Goofgaduud buureey oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaakada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kooxda Al-shabaab ayaa deegaanka Goofgaduud buureey oo qiyaas ahaan Baydhaba u jira 30 KM dagaal culus kula wareegtay Axadii lasoo dhaafay.

Deegaankaan ayaa ka mid yahay deegaanada istaraatiijiga ah ee laga difaaco magaalada Baydhabo oo ah Caasimadda kumeel gaarka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaankaas ayaa la sheegay iney isaga baxeen halkaas, kadib markii ay ka warheleen in ciidanka xoogga dalka ay weerar kusoo yihiin deegaanka Goofgaduud buureey, iyadoo ciidamada dowladda ay si nabad ah kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka.

Al-shabaab ayaa marar badan weeraro culus ku qaaday deegaankaan, mana ahan markii ugu horeysay oo ay la wareegto gacan ku heynta deegaanka Goofgaduud buureey ee gobolka Baay oo ugu dambeyn markale soo gashay gacanta ciidanka dowladda fedaraalka.

Like it? Share it!

Leave A Response