Dowladda Suudaan oo ku hanjabtay inay ka bixi doonta Ururka IGAD

by admin | Wednesday, Jul 12, 2023 | 196 views

Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Suudaan ayaa ganafka ku dhufatay Bayaankii ka soo baxay shirkii ay Guddiga Urur-Gobaleedka IGAD ugu qaabilsan xalinta colaada dalkaasi bishan July 10-dii  ku yeesheen Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

War-saxaafadeedka Wasaaradda arrimaha Dibedda ee Suudan ayaa lagu sheegay inaysan marnaba oggolaan doonin in ciidamo shisheeye la keeno dalkooda.

Dhanka kale,  Dowladda Suudaan waxay ku goodisay inay ka fiirsan doonaan xubinnimada Ururka IGAD, haddii la ixtiraami waayo aragtida mid ka mid ah dowladaha ka tirsan Ururadaasi.

Dowladda Suudaan waxay soo dhaweysay Shirka Madaxweynayaasha Dowladaha deriska la ah Suudan berrito oo khamiis ah uga furmi doona caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Madaxda Wadamada deriska la ah Suudaan ayaa tagay caasimadda Qaahida, waxaana laga hadlayaa xaaladda colaadaha ee dalka Suudaan, iyadoo shirkan uu martigalintiisa leeyahay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi.

Like it? Share it!

Leave A Response