Madaxweyne Guudlaaweo Arrimo badan kala hadlay Wafdi ay hoggaamineysay Laura Turner{sawiro}

by admin | Monday, Jul 10, 2023 | 168 views

Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Marwo Laura Turner.

Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo masuuliyiin kale ayaa looga hadlay dhibaatooyinka fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka geysto deegaanada Hirshabeelle, Taageerada Beeraleyda si kor loogu qaado horumarinta wax-soosaarka beeraha, caawinta barakacayaasha.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay maalgelinta iskaashatooyinka beeraleyda, caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, shaqo abuurka dhalinyarada iyo Kaalinta Hay’adda WFP ee horumarinta Magaalooyinka laga xoreeyay Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Hay’adda WFP garab istaagga ay siiyaan shacabka Hirshabeelle gaar ahaan ka jawaabista xaaladaha deg-dega ah isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista maalgashiga, horumarinta iyo wax soosaarka beeraha.

Like it? Share it!

Leave A Response