Madaxweyne Biixi oo Dhagax-dhigay Suuqa Waaheen oo si casri ah loo dhisayo{sawiro]

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 141 views

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dib-u-dhiska suuqa casriga ah ee Waaheen, gaar ahaan intii ay dawladdu lahayd oo laga binayn doono dhisme casri ah oo wax weyn ka tari doona bilicda caasimadda iyo badqabka hantida la dhigo doonaba.

Munaasibad kooban oo badhtamaha suuqa lagu qabtay, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen xubno katirsan xukuumadda, mudaneyaal katirsan golaha degaanka Hargeysa, xubnaha guddida dib-u-dhiska Suuqa Waaheen iyo Engeer-radooda, hoggaanka guddida qandaraasyada qaranka, madax ka socotay shirkadda dhismaha ku guulaysatay, ganacsato iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku hayey sida ay bulshada iyo xukuumaddu isku-duubni ugu gaadheen in maanta la dhagax dhigo suuq weyn oo muddo laga baaraandegayey.

Ugu horrayn, maayar-ku-xigeenka, ahna ku simaha maayarka, Mudane Khadar Axmed Cumar oo munaasibadda hadallo kooban ka jeediyey, ayaa guul weyn ku tilmaamay in la dhagax-dhigo suuqa cusub ee Waaheen oo noqon doona mid casri ah, dadka iyo dawladdana dakhli badani kasoo geli doono.

Qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee dalka oo ay kamid yihiin, Cabdirashiid Maxamed Dahabshiil, Cabdikariin Maxamed Iid, Maxamed Jees Aadan iyo xubno kale oo halkaas ka hadlay, ayaa xukuumadda ku bogaadiyey kaalinta mugga leh ee ay ka qaadatay sidii dhismaha suuqan dib loogu bilaabi lahaa, waxana ay tilmaameen inay tallaabadaasi muujinayso marka bulshadu isku tashato in la helo Natiijo wanaagsan oo horumar lagu gaadhi karo.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga, xubinna ka ah guddida dib-u-dhiska suuqa Waaheen, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim oo halkaas hadlay, ayaa tilmaamay inay jid dheer oo adag usoo mareen in maanta goobtan lasoo gaadho, isaga oo ganacsada, xukuumadda shacabka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay dhaqaale ururintii suuqa si weyn ugu mahadnaqay.

Taliyaha ciidanka Dab-damiska qaranka, Sarreeye guuto, Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili), ayaa isaguna dhankiisa bogaadiyey tallaabada lagu dhagax-dhigayo suuqa Waaheen, waxana uu intaas ku daray inuu suuqani noqon doono mid laga suuliyey caqabaddii dhinaca jid xumada ahayd ee sababtay in la baqtiin kari waayo dabkii suuqa baabi’iyey.

Mudane DerricK Shiba oo ku hadlayey magaca shirkadda INYATSI ee ku guulaysatay dhismaha suuqa Waaheen oo si kooban munaasibadda uga hadlay, ayaa sharraxaad ka bixiyey nooca dhismaha ay hirgelin doonaan, waxana uu caddeeyey inay dhisi doonaan dhisme tayo leh waqtigana ay ilaalin lahaayeen.

Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka, Mudane Maxamed Cabdilaahi Guuleed oo khudbad ka jeediyey madasha, ayaa sheegay inay guddi ahaan iska xil saareen sidii loo heli lahaa shirkad awood u leh inay hirgeliso nooca suuq ee Waaheen laga dhisayo, islamarkaana ay usoo xuleen shirkad ay kalsooni ku qabaan.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Ahna guddoomiyaha guddida dib-u-dhiska suuqa Waaheen, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani, ayaa dhankiisa ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay guddi ahaan usoo mareen sidii maanta loo dhagax dhigi lahaa suuqa, waxana uu madaxweynaha qaranka ugaga mahadnaqay taageerada uu u muujiyey muddadii ay shaqada soo wadeen.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo dhagax-dhigga ka hor khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa halkaas ka jeediyey, ayaa guul ku tilmaamay in qaranku isku duubni kaga soo kabanayo masiibadii Waaheen ku habsatay, sidii uu hore u sheegayna suuqu dib u dhismi doono.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guddida guud ee suuqa Waaheen iyo guddiyada kasii farcama, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dhaqaalaha suuqan casriga ah lagu dhisayo inteeda badani ka timi shacabka iyo dawladda reer Somaliland, waxana uu yidhi,“Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa raggii kasoo shaqeeyey, gaar ahaan Engineer-rada oo iyagu ahaa wadnihii waxan ka shaqaysiinayey, guddidii baan iyagana aad ugu mahadnaqayaa.”

Madaxweynaha , ayaa intaas kaddib si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha suuqa Waaheen, soona kormeeray qaybaha kala duwan ee suuqaasi ka kooban yahay oo ka socdaan dhismeyaal ay leeyihiin muwaaddiniin reer Somaliland ahi.

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa madasha ka sheegay inay shacab iyo xukuumadba la dareen yihiin shacabka dawlad-deegaanka iyo dawladdoodaba masiibada dabkii ka kacay magaalada Jigjiga, waxana uu isla saakaba Khadka Telefoonka kula hadlay madaxweynaha ismaamulka Dawlad-deegaanka, Mudane Mustage Muxumed Cumar, isaga oo u caddeeyey inay ka xukuumad ahaan masiibada dabka Jigjiga wax kasta oo karaankooda ah kaga qayb-qaadan doonaan oo aanay jirin wax ay ka hagranayaan, waxana uu u diray guddi ka kooban wasiirrada wasaarada Warfaafinta, Qorshaynta iyo Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda.

default

Like it? Share it!

Leave A Response