Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo la magacaabay

by admin | Saturday, Jul 8, 2023 | 169 views

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maxamed Cali Doodishe ayaa Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wareegto uu soo saaray Wasiir Doodishe ayuu ku magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kaasi bedelaya Agaasimihii hore ee Hay’addaasi C/qaadir Cilmi Cali oo maalin kahor ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay.

Agaasimihii hore ee Hey’adda Socdaalka C/qaadir Cilmi Cali oo dhowaan ka mid noqday 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho hanti dadweyne ayaa war saxaafadeed uu soo saaray isku casilay, isagoo dalka ka maqan.

C/qaadira ayaa sheegay in aysan jirin cid ila wadaagtay eed loo heysto kahor safar uu sheegay inuu ku maqnaa, isagoona xusay in aan loo soo bandhigin nooca iyo waxa uu ku edeysanahay.

Like it? Share it!

Leave A Response