Shirkadda Twitter oo dacwad ka gudbineysa Barnaamijka cusub ee Threads.{AKHRISO}

by admin | Friday, Jul 7, 2023 | 188 views

Milkiilaha Shirkadda Twitter Ninka lagu magacaabo Elon Musk ayaa ku dhawaaqay in uu dacwad ka gudbinayo Barnaamijka cusub ee Threads oo ay leedahay shirkadda xifaaltanka adag uu kala dhaxeeya ee Meta.

Elon Musk ayaa ku goodiyay in uu dacwad qoorta u gelin doonno dhiggiisa Meta Mark Zuberberg oo dhowaan sheegay in Barnaamijkaan cusub ee Threads uu saaxiib la yahay Shirkadda Twitter oo xifaaltan ka dhex jiro.

Musk ayaa qoraal kooban oo uu soo dhiigay bartiisa ku muujiyay in uu doonayo in tartan lala galo balse ganacsiga ka reeban tahay in khiyaano la sameeyo sidaas awgeed waxa uu ka dacwoonayo ay tahay khiyaannadaas.

“In la tartamo waa wax caadi ah balse waxaa reebban in la is khiyaano ama la adeegsado waxyaabo aanay habbooneen oo caalami ahaan qof la rabo in uu ka reebtoomo” ayuu yiri Milkiilaha Barta Twitter Elon Musk.

Threads ayaa si rasmi ah loosoo bandhigay Arbacadii 5ta July 2023 waxaana iska diiwaangeliyay in ka badan 30 Milyan oo ruux uu soo jiitay waxqabadka ay ku arkeen adeeggaan cusub kuwaas oo suuq geyn bilaash ah sii sameyn kara.

Maamulka Shirkadda Meta ayaa Barnaamijkaan cusub ee Threads ku diyaariyay Suuqyada teleefonnada Gacanta laga soo degsado Apps-ka sida Google Play Store iyo App Store-ka si qofka u baahan uu u degsado.

Like it? Share it!

Leave A Response