Dowladda Soomaaliya ayaa Digniin Adag U Dirtay Maraakiibta Shisheeye.

0
146

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Kaluumeysiga iyo qeyraadka Badda Saciid Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sheegay in aay jiraan Maraakiib shisheey oo aad u fara badan kuwaa oo kaluumeeysi sharci daro ah ka wada Qeybta Badda aay Soomaaliya kuleedahay.
Wasiir ku xigeenka ayaa Shirkadaha iyo Dowladdaha  Maraakiibta leh ugu baaqay in joojiyaan kalamuumeysiga Sharci Darada ah isagoona xusay in aay sii kordhin doonaan ganaaxa aay mutaaysanayaan Maraakiibta kaluumeysiga Sharci darada ah lagu qabto iyago kawada Badda Soomaaliya.

Wasiirka Kuxigeenka Kaluumeysiga oo sii hadlayay ayaa ka dhawaajiyay in wasaarada aay u baahantahay qalab muhiim u ah oo aay kula socon laheyd Maraakiibta Shisheeya Balse aay dadaal aay ugu jiraan hormarinta kaluumeysiga Soomaaliya.

 

Dhawaan ayeey aheyd Markii Dowladda Soomaaliya aay Ganaax gaaray 65,000 ku riday Markabka Greko 1 kaa oo Dekada Magaalada Muqdisho lagu qabtay isagoo Sida Kaluun gaaray 30 Tan waxaana Dowladda aay sheegtay in markabkaasi heeystay Warqada Been abuur ah oo sheegaya in ruqsad aay u heeysto in Badda Soomaaliya uu ka kaluumeeyto iyadoona ganaaxa aay Riday Dowladda Soomaaliya uu Soo dhameeyay Maraykanka

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE