Agaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya oo soo gaaray Muqdisho & ujeedkiisa

by admin | Friday, Jul 7, 2023 | 190 views

Agaasimaha Guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya NIS Nuradiin Yusuf Xaaji ayaa saaka booqasho ku yimid magaalada caasimadda ah Muqdisho, iyada uu soo dhoweeyay  Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad.

Booqashadan ayaa ah tii u horreysay oo Muqdisho ku yimaado Agaasimaha Nabadsugida Kenya, iyadoo maalmo ka hor uu Taliyaha Sirdoonka Kenya uu booqasho qarsoodi ku tagay magaalada Kismaayo.

Labada hey’adood ee Sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona iskaashiga u dhaxeeya iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, bishii hore ayay Sirdoonka Kenya xireen Ganacsade reer Mombasa ah.

Ganacsadaha ayaa lala xiriirinayaa inuu ku lug lahaa labo shixnad oo isugu jira qalab ciidan iyo walxaha qarxa oo bilo ka hor lagu qabtay dekedda magaalada Muqdisho, ka hor inta aan la xirin Ganacsadahan laanta la dagaalanka Argagixisada Kenya ATPU.

Agaasimaha Guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya NIS Nuradiin Yusuf Xaaji ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response