Wasiirka Maaliyadda DF oo laalay shaqo joojin uu ku sameeyay Mas’uuliyiin

by admin | Friday, Jul 7, 2023 | 158 views

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa laalay shaqo joojintii uu shalay ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo labadaba uu shalay shaqada uga joojiyay amar diido iyo wada shaqeyn la’aan.

Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul sidaa darteed Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin, iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadka shaqo ee ay farayaan.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadaneyd tallaabadii uu shalay shaqo joojinta ugu sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee dakhliga, sidaas darteed uu wareegtada uu maanta soo saaray kaga laabtay.

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa horey Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ugu eedeeyay amar diido, wada shaqeyn la’aan iyo caqabad inay ku noqdeen hannaanka lagu maamulo qarash bixinta dowladda ee SFMIS.

Like it? Share it!

Leave A Response