ONLF oo sheegtay in Magdhaw laga rabo Askarigii qof shacab ah ku dila gudaha dowlad degaanka Soomaalida

by admin | Tuesday, Jul 4, 2023 | 212 views

Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Sh Mahdi Maadey oo ka hadlayay munaasabad ay lahaayeen qaybta dhalinyarada ee ururkaas, ayaa ka hadlayay dhowr qodob oo ay kamid tahay dilalka soo noqnoqda ee badanaa ay Ciidamada Militariga Itoobiya ka gaystaan gudaha dowlad degaanka Soomaalida.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ugu horreyn dowladda Itoobiya laga rabo inay xeryaha ciidanka ee ku dhex yaalla magaalooyinka degaanka Soomaalida laga raro oo la geeyo xuduudda, maadaama Ciidamadan loogu talogalay inay xuduudda ilaaliyaan, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiye Maadey.

Dhinaca kale Guddoomiyuhu waxa uu ka hadlay in Magdhaw laga rabo Askarigii qof shacab ah ku dila gudaha degaanka Soomaalida,” Askarigii dila qof shacab ah waxaa laga rabaa Magdhaw u dhiganta qofkii uu Askarigu dilay, taas oo ah qofkiiba 100 halaad oo Geela, oo xitaa aan laga rabin inay lacag ku keenaan ee waa inay Geela iyagu soo iibiyaan oo ay keenaan” ayuu yiri Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan Maadey.

Sidoo kale Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in Itoobiya uu ka socdo qorshe ah in dib u dejin loo sameynayo gobollada ay dagaalladu saameeyeen sida Tigray, taas oo aan lagu soo darin degaanka Soomaalida oo guddomiyuhu sheegay in muddooyin badan ay halkaas ka socdeen dagaallo iyo colaado kala duwan oo badi dadka halkaas deggan saameysay, isagoo guddoomiyuhu xusay in dowladda looga fadhiyo inay hoos u eegto arrinkan.

Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu xusay in arrimahaas iyo kuwo kale oo shacabka dowlad degaanka Soomaalida dan ugu jirto inay ka urur ahaan kala hadli doonaan dowladda Itoobiya, ilaa xal waara looga helayo dilalka ay Askartu gaystaana aysan ka hadhayn aarimahaas, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiye Maadey.

Hadalka Guddoomiye Maadey ayaa kusoo hagaagaya xilli wali shacabka degaanka Soomaalida aysan Maskaxdooda ka bixin dilalkii kala duwanaa ee Askarta Militariga Itoobiya iyo kuwa Faderal Booliisku ka gaysteen gudaha degaanka Soomaalida, oo ay u dambaysay dhacdadii toddobaado ka hor ka dhacday Qabridahar ee Askarigu ku dilay 5ta qof ee shacabka ahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response