Ciidamadda Dawladda oo Halwgallo dad badan lagu soo qabtay ka saameeyay Muqdisho

by admin | Wednesday, May 17, 2023 | 184 views

Ciidamadda Nabad Sugida iyo kuwa militariga ee sida Booliska u Tababaran oo saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay qeybo ka mid ah degmooyinkgobolka Banadir W, Waxana ay ku soo qabteen xubno lagu Eedeeyay in ay ka Tirsaan yihiin Alshabaab iyo kooxo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidamada ayaa boqolaal dhalinyaro ah oo ay tuhmeen, hayeeshee baaritaano dheer kadib way sii daayeen dhallinayaradii la qabqabtay marka laga reebo labo nin oo lagu tuhmayo iney ka mid yihii Al-Shabaab iyo shan kale oo lagu qabtay iibinta iyo isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya.

Howlgalkan ayaa Ciidamadu ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Hase ‘ahaatee’ Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ka wanaagsan sidii hore ka dib markii ciidamada dawladu halwgalo ka dhan ah Dadka falalka amni daro ka geysta Muqdisho ay ka sameeyeen dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response