Madaxweynaha Puntland oo u jawaabay Madaxweyne Xasan Sheekh

by admin | Monday, May 8, 2023 | 205 views

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ololihiisa doorashada ka wada degaano ka tirsan gobolka Mudug ayaa si dadban ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta diidan habka uu Deni u wado arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Saciid Deni wuxuu sheegay in habka doorashooyinka qofka iyo codka ah ee Puntland ay noqoneyso xukuumaddii ugu horreysay ee billaawda, balse ay jiraan dad waxmagarato ah oo isku dayaya inay dadka marin habaabiyaan.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray Madaxweynaha Puntland in marnaba aysan jirin cid hor-istaagi karta doorashooyinka qofka iyo codka ah, isla markaana go’aanka uu dambeeya uu kujiro gacanta dadweynaha.

Like it? Share it!

Leave A Response