Shabaab oo ku soo laabtay duleedka degmada Mahadaay kadib go’aankii ganacsatada

by admin | Sunday, Apr 30, 2023 | 194 views

Xaalad baqdin ah ayaa la soo sheegaya in ay la soo deristay shacabka ku dhaqan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al-Shabaab lagu arkay deegaano hoos yimaada degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab lagu arkay duleedka degmadaasi, gaar ahaan deegaanada ku teedsan Webiga Shabelle.

Imaanshaha Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay jawaab u tahay, kadib markii ganacsatada Degmada Mahadaay ay iska diideen dhaqaalihii ay maleeshiyadaasi siin jireen.

Iyadoo loo hoggaansamayo awaamiirta ay Dowladda Federaalka ka soo saartay inaanan lala macaamili karin Al-Shabaab, dhaqaalana aan la siin karin ayay ganacdato badan oo dalka sugan bilaabeen in ay joojiyaan lacagihii ay siin jireen maleeshiyadaasi.

Sidoo kale dib ugu soo laabashada mintidiinta ee deegaanadaasi ayaa imaanaysa, xilli ay istaageen hawlgaladii Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay maleeshiyadaasi kaga sifeynayeen dhulka hawdka ee Degmada Mahadaay.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in dadka reer Mahadaay ay xilligan ka baqdin qabaan in maleeshiyada Shabaabka ay soo weeraraan degmada, inkastoo ay degmadaasi ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

Marka laga soo taggo dagaalka tooska ah ee ay Dowladda Federaalka kula jirto kooxaha argagixisada, dowladda ayaa sidoo kale Shabaabka kala dagaalameysa dhanka dhaqaalaha iyo weliba xagga fekerka

Like it? Share it!

Leave A Response