Guddoomiye Madaale oo digniin soo saaray

by admin | Tuesday, Apr 25, 2023 | 226 views

Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo kulan la qaatay maaamulada degmooyinka iyo hay’adaha amniga ayaa ka hadlay xaalada amni ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay diirada saareen waqtiyadii ugu dambeeyay la dagaalanka ciyaal weerada, Kooxaha hubeysan ee dilalka iyo dhaca geysta iyo kuwa ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya uuna xusay in ay guulo ka gaareen.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay inay albaabada iskugu dhufteen kalaabyo lagu isticmaalo waxyaabaha mukhadaraadka ah ayna ku caweyn jireen dhalinyaro isugu jirto gabdho iyo wiilal, asigoona ku amray goobaha kale ee aysan weli gaarin inay sida ugu dhaqsiyaha badan u xiraan hadii ay xeri waayaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Sidoo kale gudoomiyaha gobalka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa tilmaamay in bishii ramadaan ee dhamaatay lagu guuleystay in la sugo amniga caasimada asigoona sidoo kale xusay in muhiim ay tahay in hay’adaha amniga si wadajira looga wadashaqeeyo amniga si loo sii xoojiyo nabad gelyada caasimada.

Geesta kale taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Sulub Axmed Firin oo dhankiisa  hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada amnigu uu u leeyahay bulshada, isaga oo tilmaamay in guulo waa weyn oo lataaban karo laga gaaray kooxihii dhibka ku haayay shacabka Muqdisho, waxa uuna carabka ku dhuftay in la sii dar dar geliyo howlgalada socda.

Like it? Share it!

Leave A Response