Madaxweynihii hore ee DDSI oo xabsi loo taxaabay{sawiro}

by admin | Monday, Aug 27, 2018 | 1244 views

Ciidamada Booliska dalka Itoobiya ayaa xabsi u taxaabay madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa baahisay in la xiray Cabdi Maxamuud Cumar ka dib Markii shalay ay Xasaanadda ka qaadeen xildhibaanada Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in tilaabo adag laga qaadi doono Cabdi Maxamuud Cumar.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in guri uu ku xirnaa Cabdi Maxamuud Cumar laga soo helay hub aad u badan.

 

Like it? Share it!

Leave A Response