Midowga Afrika: Haddii ciidamada ATMIS aysan helin dhaqaalaha ay u baahan yihiin Al-Shabaab ayaa la wareegi doonto Soomaaliya

by admin | Thursday, Mar 23, 2023 | 329 views

Midowga Afrika ayaa dalbaday lacag ku dhow 90 milyan oo dollar oo loogu talagalay ciidamadooda nabad ilaalinta ah ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo taageero siiya ciidamadooda milateriga ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Danjire Bankole Adeoye, oo ah guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga, ayaa sheegay in ka badan 19,600 oo askari oo ka tirsan Midowga Afrika in aysan si sax ah u shaqeyn karin oo aysan caawin doonin Soomaalida haddii aan la buuxin farqiga dhaqaale.

Sanad ka hor, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, kaasoo loo yaqaan ATMIS, si uu u taageero Soomaaliya ilaa ciidamadoodu ay si buuxda ula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka ee dhammaadka 2024-ka.

“Haddii ciidamada Midowga Afrika aysan helin dhaqaalaha ay si hufan ugu howlgalaan 21-ka bilood ee soo socda ka hor xil wareejinta, waxaa laga yaabaa in ay la macno tahay in al-Shabaab ay ugu dambeyntii la wareegi doonto mas’uuliyadda Soomaaliya,” ayuu yiri Adeoye.

Waxa uu sheegay in sababta ugu muhiimsan ee dhibaatada dhaqaale ee Midowga Afrika ay tahay 60 milyan oo doolar oo Midowga Yurub laga jaray maalgelinta sababo la xiriira danaha iska soo horjeeda.

Adeoye ayaa ka qayb galay kulan heerkiisu sareeyo oo ay la yeelatay wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay kaas oo ku saabsanaa maalgelinta ATMIS-ka kadib markii uu la hadlay warfidiyeenka. Wuxuu rajo ka muujiyay in dhammaan dalalka ay gacan ka geystaan buuxinta farqiga dhaqaale ee $89 milyan ah, gaar ahaan dalalka Khaliijka, caalamka iyo Midowga Yurub.

Waxa uu sheegay in dhaqaale la’aan ay saameyn doonto xilliga ay ka baxayaan ciidamada Midowga Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response