Ka Dib Guul Daraddii Xalay , Tababare Frank De Boer ” In Ay Shaqadeyda Inter Milan Halis Ku Jirto Maamulka Kooxda Hala Weydiiyo”.

0
199

Shaqada tababaraha kooxda Inter Milan ee Frank De Boer ayaa halis ku jirta ka dib markii kooxdaas ay xalay guul darro kala kulmeen kooxda Sampdoria .

Kulankaas ka tirsan wareegga 11-aad ee horyaalka Italy ayaa Inter Milan waxaa lagu soo garaacay hal gool oo nadiif ah

De Boer ayaa ka dib ciyaartaas la weydiiyay wararka hareeyay mustaqbalkiisa kooxdaas ee sheegaya in dhawaan laga taqalusayo

” Weli waxaan ku kalsoonahay shaxdeyda waana keeni karnaa is badel deg deg , tayo wacan ayaan leenahay waan hubaa wax waliba is badali doonaan”.

” Hanaan ciyaareedkiina qeybta hore ma aha mid la aqbali karay , dib ayaan ugu laabanayaa qaladaadkii dhacay kulankaas”

Mar wax laga weydiiyay wararka sheegaya in shaqadiisa haatan ay ku jirto halis una nugul yahay in dhawaan xilka laga qaadayo ayuu yiri macalinka ” arintaas kooxda weydiiya , kaliya shaqadeyda ayan haystaa”.

Haatan waxaa shaqadaas aad loola xariinayaa macalinkii hore ee PSG ee Laurent Blanc iyadoo ay xusid mudan tahay in De Boer kaliya uu kooxdaas Inter qabtay xilli ciyaareedkaan

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE