Mourinho Oo Darbi Gadaashiisa Looga Shirayo , United Tababare Cusub Ayay Isha Ku Hayaan , Waa Kuma ?.

0
220

Durba shaki ayaa ka dhex biloowday gudaha maamulka kooxda United taasi oo la xariirta natiijooyinka kooxda ee xilli ciyaareedkaan , waxaana jira qorshe ah in dib loogu laabto hogaanka tababare Jose Mourinho .

United inkastoo xagaagii ay qarash badan ku bixisay suuqa oo uu ugu qaalisanaa Pogba hadana natiijooyinkooda xilli ciyaareedkaan ma noqon kuwo lagu maqsuuday .

Haatan saxaafadda Ingiriiska ayaa sheegeysa in United ka fikarayaan in ay la soo hishiiyeen tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone kaasi oo dhawaan u gacan haatiyay in ay suura gal tahay in kooxdaas uu ka huleelo ka hor inta hishiiskiisa kooxdaas uusan dhamaan .

United ayaa tabarahaas u aragta mid guulo fog la keeni kara kooxda ka dib 6 sano oo uu hogaaminayo Atletico oo uu ka soo saaray koox adag oo u tartanta dhamaan tartamda yurub inkastoo dhanka maaliyadda aysan u dhaweyn kooxda United

Hishiiska macalinkaan reer Argentina ee Atletico Madrid ayaa dhacaya sanadka 2018-ka waxaana kooxaha lala xariirinaya ku jirta kooxda Arsenal

Diego Simeone ayaa tan iyo mudada uu Atletico hogaaminayo waxa uu la qaaday horyaalka La Ligaha , Cope Del Rey , Spanish Super Cup halka laba jeerna uu la gaaray finalka Champion-ka

FADLAD KA DHIIBO FIKIRKAAGA QEYBTA HOOSE