Mooshin ka dhan ah Waare oo ka socda Muqdisho.

by admin | Sunday, Aug 26, 2018 | 1432 views

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda mooshin la doonayo in xilka looga qaado Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

 

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in xubno badan oo ka mid ah Baarlamaanka ay la socdaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

Mooshinkan ayaa la sheegayaa in ay gadaal ka riixeyso Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,waxaana sidoo kale Magaalada Jowhar ka socda qorshe uu Madaxweynaha Hirshabelle uga hortagayo mooshinka isaga ka dhanka ah ee ka socda Muqdisho.

Maxamed Cabdi Waare ayaa la sheegayaa in uu Jowhar ka wado qorshe uu isku shaandheyn ugu sameynayo Golihiisa Wasiirrada,waxaana uu xildhibaannada qaar u ballanqaaday in uu ka dhigayo Wasiirro sidaas darteedna ka laabtaan mooshinka isaga ka dhanka ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kalfadhigii 4aad ee Baarlamaanka ay kula xisaabtamayeen Golaha Wasiirrada ku eedeeyay Waare in uu curyaamiyay shaqada Maamulka Hirshabeelle islamarkaana aysan kulmin Golaha Wasiirrada,sidoo kalena uu musuq maasuqay dhaqaalah Hirshabeelle.

Maxamed Cabdi Waare oo hadda ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa la filayaa in uu noqdo Guddoomiyaha golahaas,maaddaama Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas uu galayo olole doorasho taas oo dhaxeysa 8 Bisha January ee sanadka 2019ka.

Magaalada Kismaayo waxaa saddexda Bisha September ee  soo socota ka furmaya shirka Xubnaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada,waxa ugu badan ee looga hadlayo ayaa ah walaaca ay ka qabaan faragelinta dowladda Federaalka ay ku heyso Maamul Goboleedyadooda.

Waare ayaa la sheegayaaa ka hor shirka Kismaayo in uu sameynayo isku shaandheynta Golaha Wasiirrada si uu uga hortago mooshinka isaga ka dhanka ah ee ka socda Magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response