MUCAARADKA oo ka digay arrin Somaliland ku burburi doonto haddii aan laga fiirsan

by admin | Monday, Mar 13, 2023 | 237 views

Mucaaridka Somaliland ayaa shaaciyay in Somaliland ay burburi doonto haddii aan doorashada Madaxtooyada Somaliland ku qabsoomi weydo xilligii uu iclaamiyay Komishanka doorashooyinka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xaaji (Xamarje) oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shaqaaqada ka taagan Laascaanood ay ku fidi doonto Somaliland, haddii ay qabsoomi weydo doorashadaasi.

“Waxan sugayaa 9-ka bilood ee Koomishanku qabteen, wixii intaa ka danbeeyana sida Laascaanood ayay u kala qixi tana, hadii lagu daro maalin sida Laascaanood tahay uun bay gobolada kalena noqon,” ayuu yiri guddoomiye Xamarje.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi iyo guddoomiyaha golaha guurtida inay ka dambeeyan xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaannod, si doorashada Madaxtinimadu markale dib ugu dhacdo.

“Dagaalka Laascaanood waxay u abuureen si doorashadu dib ugu dhacdo, ma yaqaanan si kale oo wax loo xaliyo xabad mooye,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Xamarje ayaa caddeeyay in xisbigooda uu diyaar u yahay doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada labadaba, “Biixi uma muuqdo in uu doorasho diyaar u yahay, maalkii iyo kursigiina wuu jeclaaday.”

Like it? Share it!

Leave A Response