Talyaaniga oo labo todobaad ku qaabilay in ka badan 1,000 ruux oo tahriibayaal ah.

by admin | Sunday, Mar 12, 2023 | 239 views

Talyaaniga ayaa labo todobaad gudahood qaabilay in ka badan 1,000 ruux oo si tahriib ah ku galay dalkaas waxaana ay la socdeen doomo ku kala xirtay labo deked sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Dalkaas.

Xukuumadda Roma ma sheegin dhalashada Dalalka dadkaan balse waxaa loo badinayaa in ay kasoo jeedaan Qaaradaha Afrika & Aasiya oo sanadihii u dambeeyay dadka tahriibka ku galayay dalkaas dhalashadoodu ahayd.

Inta uu socday socdaalka dadkaan gaaray Talyaaniga waxaa ka geeriyootay ugu yaraan 76 ruux kaddib markii si xad-dhaaf ah ay usoo raaceen doomaha sidaas waxaa Warbaahinta u sheegay afhayeen u hadlay Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga.

Dhibaatada ugu weyn waxa ay tahriibayaashaan la kulmeen intii ay ku guda-jireen ku safarka Badda Caalamiga ah ee Mediterranean-ka, xeebaha Talyaaniga waxa ay gaareen iyaga oo aanay heysan sahaay iyo biyo ku filan.

Saraakiil katirsan Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegay in dadkaan la dejiyay xeryo ay ku helayaan daryeel Caafimaad si xaaladdooda loola socdo maadaama intooda badan argagax badan uu ka muuqdo.

Waxaa socda tira-koob lagu ogaanayo dalalka ay u kala dhasheen dadkaan waxaana qaarkood la sheegay in ay kasoo jeedaan waddamada Liibiya, Soomaaliya, Afgaanistaan, Bangaaladeesh & dalal kale oo dhibaatooyin ku heysata Dadkaan.

Tahriibayaasha ayaa safarka dheer ee Badda inta ay ku jiraan waxa ay la kulmaan dhibaatooyin xooggan, qaarkood waxa ay ku waayaan naftooda, halka qaar kale ay ku xannuunsadaan safarkaas halista badan wata.

Like it? Share it!

Leave A Response