Madaxweyne Xasan Sheikh oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada hadal la galo Alshabaab

by admin | Tuesday, Mar 7, 2023 | 266 views

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh oo wareysi siiyay telefishinka caalamiga ah ee Aljazeera, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wada hadal uu la galo kooxda Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ku xiray shuruudo lagula heshiiyo Alshabaab, sharuudahaas oo uusan madaxweynuhu ku sheegin wareysiga uu bixiyay.

Xasan Sheikh waxa uu xusay in dadka u dagaalama Alshabaab ay u badan yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed, islamarkaana aysan heysan dal kale oo ay ku noolaadaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa carrabka ku adkeeyay in Alshabaab aan looga adkaan karin cudud ciidan oo keliya. Wuxuu sheegay in dowladdiisa ay qaadatay istiraatiijiyad dhinacyo badan leh oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, oo ay ku jiraan hab militari, hab diimeed, iyo tallaabooyin dhaqaale.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sanadkii horey markuu xilka ku guulaystay sheegay in dowladdiisa ay wada hadal la galidoonto Alshabaab marka awood ahaan kooxda Alshabaab loo daciifiyo oo ay dowladdu ka saarto dhulka ay maamulaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan maamusha dhul badan oo ay Alshabaab maamuli jireen 15kii sano ee ugu dambeeyay, taasoo ka dhalatay howlgal 3 bilood socday oo Shabaab looga saaray badi degaanada Hirshabeelle iyo Galmudug.

 

Like it? Share it!

Leave A Response