Hoggaamiye ka tirsan Daacish oo la dilay iyo Askar Maraykan oo la dhaawacay

by admin | Saturday, Feb 18, 2023 | 222 views

Hawlgal ay iska kaashadeen ciddamo Maraykan ah iyo Maleeshiyada Syrian Democratic Forces (SDF) Maraykanka Taageero ayaa la sheegay in Hawlgal ku dileen Hoggaamiye Sare oo lagu magacaabo Xama Al-Hosi oo ka tirsan Kooxda Daacish (ISIS)

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciiddanka Dhexe ee Maraykanka (The US Central Command) ayaa lagu xaqiijiyey in Hamza Al-Hosi lagu dilay Hawlgal ka dhacay W/bari ee dalka Syria.

Qoraalka waxaa lagu xusay in Hogaamiyahaasi la dilay, xilli uu hawlgalka Helicopter oo ay ka qeyb galeen Ciiddamo Isku-dhaf Maraykanka iyo Syria ah qaadeen xilli dambe oo ahayd Habeenkii (Khamiis, February 16).

Dhanka kale, 4 Askar Maraykan ah ayaa ku dhaawacmay Qarax aan la shaacinin waxa sababay.

Askarta dhaawacmay waxaa dhamaantooda lagu daaweynayaa Isbitaal ku yaalla dalka Iraq.

Toddobaad ka hor, Sarkaal ka tirsan Kooxda Daacish oo lagu magacaabi jirey Ibrahim Al-Qaxtani ayaa lagu dilay Hawlgal ay qaadeen Ciiddan Maraykan iyo Maleeshiyada Maraykanka Taageero ee Syrian Democratic Forces (SDF).

Like it? Share it!

Leave A Response