Dowladda Mareykanka oo dagaal la gashay xal u helista shaqo la’aanta ka jirta Dalkaas.

by admin | Saturday, Feb 4, 2023 | 304 views

Warbixinno cusub oo laga soo saaray heerka shaqo la’aanta Mareykanka ayaa lagu muujiyay in Dowladdu ay qaaday tallaabooyinka ay u aragtay in lagu dhimi karo caqabaddaas xooggeysatay 25 sano kaddib.

Dowladda ayaa sheegtay in ay shaqo siisay dad gaaraya 517,000 (Shan boqol, toban & todobo kun) balse heerkaan aanay buuxin Karin baahida jirta oo dad intaas ka badan ayaa bilaa camal ah iyaga oo raadinaya wax ay noloshu ku maareeyaan.

Warbixinta Dowladda ayaa lagu sheegay in shaqo la’aanta Mareykanka ka jirta ay hoos u dhacday 3.4% taasina aanay ka dhigneen in la ciribtiray oo waxaa weli jira Dad shaqo la’aan heysato oo u baahan in ay helaan shaqooyin.

Arrintaan ayaa ka dhalatay dhibaatooyin isbiirsaday oo billawgooda kasoo aasaasmay xayiraadda ka dhalatay faafitaanka fayruska dunida aafada ku noqday ee Covid-19 oo Mareykanka ka dhigay waddanka 1aad ee kiisaska ugu badan laga diiwaangeliyay.

Dowladda oo ku howlan kasoo kabashada aafadaas waxaa Bishii Febaraayo 2022 Yurub ka qarxay dagaal toos ah oo u dhaxeeya Ruushka & Ukraine oo dhaliyay saameyn dhaqaale oo guud ahaan caalamka gaartay.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cafiyay qaar kamid ah deynta lagu leeyahay Ardayda waxbaratay oo sanadkiiba qidmad laga jari jiray kaddib markii shaqo la’aan ka dhalatay Covid-19 soo wajahday.

Like it? Share it!

Leave A Response